Finspångs kommun

Språk/Language

Qorshaha guud

Waannu Koraynaa oo horumaraynaa Degmada Finspång waxay ku dhex jirtaa wakhti xiiso xiiso leh. Degmadu way sii kordhaysaa, baahida loo qabo guriyeynta waa mid balaadhan, xarun caafimaad oo cusub ayaa la dhisayaa, goobaha dibada iyo goobaha madadaalada ayaa la dhisi doonaa lana horumarinayaa.

Ka qeyb qaado, rayigaagana ka dhiibo mustaqbalka!

Waxaan laga maarmaan ahayn si loo daboolo baahiyaha iman doona mustaqbalka in qorshaha degmada (master plan) si firfircoon looga shaqeeyo muddada fog iyo ta dhaw ba., degmada Finspång waxay u baahantahay qorshe cusub (master plan).

Shaqadan shaqaalaha degmada iyo siyaasiyiinta ayaa iska kaashanaya. Hase yeeshe, adiga oo ah degane, waxaad fursad u helaysaa inaad kaqaybqaadato geeddi-socodka wadahadallada lagu falanqaynayo qorshaha guud ee degmada Finspång (master planka) (wadahadaladu waaxa lagu wada hadli doona af-iswidish).

Mas'uuliyadda iyo xiriirka

Ka shaqeynta qorshaha guud ee degmada Finspång waxaa sameeya wakiilo la soo doortay iyo shaqaalaha degmada. Waxaa jira laba kooxood oo siyaasad ahaan loo magacaabay, bay'ada iyo diyaarinta bulshada iyo kooxda tixraacada jawiga xarunta Finspång. Waxaa intaa dheer, waxaa jira koox ka kooban shaqaalaha demada oo ku shaqo leh nidaamka qorshaha guud ee Finspång.

Kooxaha kala duwan waxay ka wada shaqeeynayaan si joogta ahna uga kulmi doonan sidi loo hirrgalin lahaa qorshe guud.

Waa maxay qorsheynta guud (masterplan)?

Sida ku qeexan Sharciga Qorsheynta iyo Dhismaha waa inay degmo kasta ay leedahay qorshe guud oo dhamaystiran oo daboolaya degmada oo dhan. Qorshaha guud waa inuu ahaadaa mid xeeladeysan oo qorsheysan waa inuu muujiya diiradda dhulka muddada fog iyo isticmaalka biyaha. Ficil ahaan, macnaheedu waa qorshaha guud ee lagu qeexayo meelaha ay degmadu rabto oo ilaaliso, sida goobaha madadaalada (parks), goobaha furan, iyo goobaha ganacsiga. Qorsha guud wuxuu sidoo kale tillmaamayaa meelaha ay degmadu u aragto in la horumarin karo tusaale ahaan guryaha, madadaalada ama ganacsiga. Qorshaha guud waxa kale oo ka mid ah danaha dawladda, sida kaydka dabiiciga ah, danaha qaranka ee agagaaraha dhaqanka, waddooyinka iyo korantada.

Macluumaad dheeraad ah oo ku qoran af-iswiidhishka waxa laga helayaa bogga internetka ee Riksdag.

Macluumaad dheeraad ah oo ku qoran iswidhishka oo ku saabsan qorshaha guud iyo habka loo heli karo waxaa laga heli karaa bogga Boverket sida ku cad "PBL - Bangiga Aqoonta"

Hogaaminta iyo taageerida go'aanka

Qorshaha guud waa inuu ahaadaa hogaaminta iyo taageerada go'aanka ee qorshaynta degmada. Tani waxay ka dhigan tahay in degmadu ay isticmaasho qorshaha guud marka goobaha cusub ee guriyeynta, tusaale ahaan, la horumarinayo, qorshooyin faahfaahsan oo cusub waa in la soo saaraa iyo ogeysiis hore iyo oggalaanshaha dhismaha marka istcmaalka dhullka la go’aaminayo.

Dub u eegis afartii sanoba mar

Qorshaha guud waa in dib loo eegaa ugu yaraan hal mar xiliga doorashada dawladda. Tani macnaheedu waa guddiga maamulka gobolka waa in ay soo sheegaan aragtida suurtagalka ah ee ku saabsan danaha dawladda iyo kuwa gaarka ah ee saameyn kara xaqiiqda iyo in Golaha Degmadu go'aan ka gaari doono haddii qorshaha guud ku haboon yahay. Qiimaynta qorshaha guud ee ku haboon wuxuu ku lug leeyahay baaritaanka intay le'eg tahay qorshaha dib-u-eegistisa iyo tixgelinta xaaladaha cusub.

WARBIXIN DHEERAD AH

Ka sii aqkhri faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sharciga Qorsheynta iyo Dhismaha bogga Riksdag (Swedish)

Ka sii akhri faahfaahin dheerad ah oo ku saabsan qorshaha guud ee ku yaal bogga Boverket (Swedish)

Kontakt